Waxaan jeclaan laha maanta in aan wax yar ka taab taabto sida ay ciyaartooyda da'yar ula qabsadeen Tababarka Isbuuclaha ah oo ay sameeyaan.
Mudo ayeey nagu qaadatay in si sax ah loola qabsado loona raaco jadwalka aan ugu tala galnay horumarinta iyo kor u qaadida tayada ciyaartooyda jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Sawirkan waxaa ka muuqda Jabriil iyo Luqmaan waa labada ciyaartooy ee igu da'da yar ciyaartoyda Akademiyda Kubada Cagta ee Aadami.
Waxaa ay ku sii socdaan Garoonka lagu tababarto kaasoo xaafada ay ku nool yihiin u jira fogaan dhan 4.56 Km.
Aad iyo aad ayeey ula qabsadeen dhamaan tababarka qeybihiisa kala duwan iyo socodka masaafadaas dheer.
Ma jirto cid ka cabaneysa ama ka wahsaneysa shaqada la iska rabo inta uu socdo tababarka, taa soo muujineysa ififaalo wanaagsan ee dhanka horumarka iyo rajada laga qabo in ay ciyaartooy dhinac kasta ka dhameystiran ka soo baxaan Akademiyada Kubada Cagta ee Aadami.
Hirgalinta qorshayaashaas waxaa ay dhanka kale dhiiri galin fiican u noqotay maamulka iyo macalinka u xilsaaran barbaarinta iyo tayeenta ciyaartooyda da'da yar taasoo run ahaantii ah howl culeyskeeda iyo caqabadaheeda wadatay.
Waxaa kaloo farxad weyn inoo ah in aan ka sal gaarnay cilmi baaris aan ku dhinac wadnay tababarida kaasoo ku saabsanaa sida u wanaagsan ee loo soo saaro jiil da' yar dhinac kastana ka dhisan.
Sidan horey u sheegay waa Guul noo soo wada hoyatay dhamaan maamulka macaliminta ciyaartooyda iyo bahweynta isbortiska Soomaaliyeed.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq