Wednesday, 30 October 2019

Kaalinta iskoolada ku lee yihiin horumarka ciyaaraha

Marka laga hadlaayo horumarin iyo kor u qaadid waxaan marna la dafiri karin kaalinta ay iskoolada iyo dugsiyada ku lee yihiin nolosha aadanaha.
Kaliya ma ahan dhanka waxbarashada iyo is dhex galka bulshada waxeey sidoo kale kaalin iyo saameeyn aan la qiyaasi karin ka geystaan horumarka ciyaaraha noocyadooda kale duwan.

Waana tan dhalisay in ay hada ku baraarugaan xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

Waxaa hubaal ah hadii la jogteeyo qorsheyaasha hada socda ee lagu kibcinaayo sports ka dugsiyada in la heli doono ciyaartooy mustaqbal fiican ku leh ciyaaraha noocyadooda kale duwan laf dhabarna u noqda dib u soo kabashada xulka qaranka Soomaaliya.

Hanaanka noocaan ah waxaa mudo dheer ka hor laga hirgaliyay wadamada aan dariska nahay sida Kenya iyo Ethiopia, waana tan ka caawisay in ay nooga wanaagsanaadaan noocyo badan oo ka mid ah ciyaaraha sida orodka iyo kubada cagta.



W/Q Maxamed Aadan Isxaaq