Cilmi baaris lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciyaaraha laga ciyaaro caalamka ayaa lagu ogaaday sababaha keena qaladaadka ay sameeyaan ciyaartooyda in ay ka yimaadaan dhinaca maskaxda iyo qaab fikirka ciyaartooyda.
Qaladaadkaas ayaa loo kala qaaday sidan
- Cabsi
- Cadaadis
- Xishood
- Shaki
Cabsida ayaa loo qeybiyay dhow qeybood:-
- In ciyaar yahanka uu ka cabsanaayo in la dhaliilo oo loo arko mid daciif ah tabar ahaan
- In ciyaaryahanka uu ka casanaayo in ciyaartooyda ka soo horjeeda qaarkood ay dhaawac u geystaan
- In ciyaarhanka u ka cabsanaayo qaladaad in ay ka dhacaan hadhowna canaan iyo ganaax uu kala kulmo maamulka iyo macalinka kooxda
Cadaadiska
- Ka gacan sareynta kooxda ka soo horjeeda waxaa ay ciyaartooyga ku keentaa in uu sameeyo qalaad badan sida in uu calaamad qaato taasoo sababi karta in garoonka laga saaro sidaasna ay kooxdu ku weyso boos, taasoo looga faa'ideysto
Xishood
- Sawaxanka iyo qeylada taageerayaasha kooxda kale waxay sababtaa in ciyaartooyda qaar ay awoodi waayaan u ciyaarida sidii looga bartay, qalqal iyo argagax ayeeyna ku ridaa taasoo ka dhigta ciyaartooyga mid maqane jooge ah.
Shaki
- Kalsooni darada dhanka aalamiintada iyo farsamada waxaa ay sababtaa in ciyaaryahanku iska dhaadhiciyo in aysan waxba ka keeneyn kooxda ay la ciyaarayaan taa soo keenta dib u dhac iyo natiijo aan wanaagsaneyn.
Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in ciyaartooyda laga dhiso dhanka maskaxda si la mid ah ama ka sareysa inta loo dhiso jir ahaan, taasoo ciyaar yahanka ka caawineysa in uu su qumaati ah u fikiro xaalad kastaa oo uu wajaho inta lagu guda jiro ciyaaraha.
Akadeemiyada Kubada-Cagta Aadami waxaa ay xooga saareeysaa in ciyaartooyda lagu tabaro sida loogu fikiro si qoto dheer inta lagu guda jiro ciyaaraha adkeysi fiicana loogu yeesho xaaladaha imankara sida Cabsida, Cadaadiska Xishoodka iyo Shakiga.
Sidaad sawirka ka arkeysaan Luqmaan waa ciyaar yahan (5) shan jir ah, waxaa uu baranaayaa sida la isku dajiyo go'aan wanaagsana loo gaaro inta ay kubada lugtaada ku jirto.
Waxaa kaloo uu baranayaa in ay guushu tahay natiijo ka timaada wax qabadka wanaagsan sidaad darteed ay lagama maarmaan tahay in kubada wanaagsan la ciyaaro marka hore si guul loo gaaro.
Waxaa kaloo uu baranayaa in ay guushu tahay natiijo ka timaada wax qabadka wanaagsan sidaad darteed ay lagama maarmaan tahay in kubada wanaagsan la ciyaaro marka hore si guul loo gaaro.
Waxaan rajeyneynaa in tababarkaan uu wax badan ka badali doono qaab ciyaareedkeenii hore inshaa allaah.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq