Tuesday, 14 August 2018
10 Qodob oo lagama maarmaan u ah ciyaar yahan kasta
Tobankan qodob waxaa ay ka mid yihiin casharada aan siino ciyaartooyda ku jira Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami (Adami Football Academy), waxaan jecleysanay in aan la wadaagno bahweynta isportiga jecel meel kasta oo ay joogaan, si ay uga faa'ideystaan macaliim iyo ciyaartoyba
1) Had iyo jeer u ciyaar si wanaagsan oo qiiro leh una hogaansan sharciyada.
2) Ku dadaal in aad is dajiso inta lagu guda jiro xaaladaha adag si taxadar lehna uga fikir sidaad uga bixi laheyd.
3) Taageer oo dhiiri gali Saaxiibadaa, dhamaanteen qaladaad ayaan sameynaa iyadoo kas iyo ula kac aysan naga aheyn sidaa darteed kula dardaaran asxaabtaada in ay u ciyaaraan sida ugu wanaagsan.
4) U ciyaar sida ugu wanaagsan ee aad u ciyaari karto inta lagu guda jiro tababarka iyo marka aad horyaalka ciyaareeyso intaba, ha ogolaan in lagaaga badiyo dadaal xumo aad adiga sababtay darteed, ciyaartooyda waayo araga ah ee xirfada sare leh xitaa waa laga badin karaa marka ha is dhigan.
5) Xushmee Macalimiintaada Garsoorayaasha Ciyaartooyda kugu kooxda ah iyo kuwa kaa soo horjeedo Guul iyo Guul daraba.
6) Ciyaar yahanka wanaagsan waa in uu leeyahay Aalamiinto Xifrad iyo Xeelad si wada jir ahna uu u adeegsadaa si uu u noqdo mid heer sare ah
7) Markaad kubada heysataan waa in aad si Xeeladeesan u wareer gashaan, marka la idinka heystana waa in aad si daasoo kale u difaac gashaan.
8) Boos kasta oo aad ka ciyaareeyso waxaa waajib kugu ah in aad baasto ama baas qaadato, Goosha toogato lug iyo madaxba, Kubada la socoto iwm hadaad heysato jaanis.
9) Kubada ha iska tuurin ilaa aad ku qasban tahay ama aad ka saareeyso agagaarka gooshaada, iska sii hubi dhinacyadaada inta aysan ku bada ku soo gaarin go'aan ka ugu wanaagsana gaar markaad kubada hesho oo meel wacan iyo qofka ku haboon ku hubso.
10) Had iyo jeer garo oo ka ciyaar booskaada oo ha iska daba car cararin kubada meel kasta.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment