Sunday, 30 December 2018

Waligaa ha ka niyad jabin hamigaada





















Waxaa muhiim ah in aadan marna ka niyad jabin ka gun gaarida hiigsigaada mustaqbalka dalkaaga iyo dadkaada waana sababta ay wadamo badan oo caalamka ah uga hormareen kuwa kale.

Hadaan soo xusuusto sidaan ku bilaabay Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami, wuxuu ahaa fikir waligeey igu taagnaa oo aan mar un islahaa waad bilaabi doontaa hadaad u hesho hiil iyo hoo ba.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta ay ka faa'ideysanaayaan dhalin aad u da' yar hami sarena ka leh in ay meel fiican ka gaaraan kubada cagta.

Horaa loo yiri safar kastoo kumaan meyl ah hal tilaabuu ka biloowdaa, sidaa darteed anagoo taas ka duuleeyna wax mad madoow ah nagama galin in aan si wadajir ah u baacsano ka salgaarida riyooyinkeena isku midka ah.

Mar kaste allaa mahad iska leh, waxaan kaloo jeclaan lahaa in aan u mahad celiyo asxaabtii gacanta iga siisay agabka lagama maarmaanka u ah hirgalinta Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami (Adami Football Academy) hal kaas ka sii wada wanaaga aad bulshada u heysaan inshaa allaah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

No comments:

Post a Comment