Wednesday, 30 October 2019

Kaalinta iskoolada ku lee yihiin horumarka ciyaaraha

Marka laga hadlaayo horumarin iyo kor u qaadid waxaan marna la dafiri karin kaalinta ay iskoolada iyo dugsiyada ku lee yihiin nolosha aadanaha.
Kaliya ma ahan dhanka waxbarashada iyo is dhex galka bulshada waxeey sidoo kale kaalin iyo saameeyn aan la qiyaasi karin ka geystaan horumarka ciyaaraha noocyadooda kale duwan.

Waana tan dhalisay in ay hada ku baraarugaan xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

Waxaa hubaal ah hadii la jogteeyo qorsheyaasha hada socda ee lagu kibcinaayo sports ka dugsiyada in la heli doono ciyaartooy mustaqbal fiican ku leh ciyaaraha noocyadooda kale duwan laf dhabarna u noqda dib u soo kabashada xulka qaranka Soomaaliya.

Hanaanka noocaan ah waxaa mudo dheer ka hor laga hirgaliyay wadamada aan dariska nahay sida Kenya iyo Ethiopia, waana tan ka caawisay in ay nooga wanaagsanaadaan noocyo badan oo ka mid ah ciyaaraha sida orodka iyo kubada cagta.



W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Monday, 30 September 2019

Agabka iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarka kooxaha.























Agabka waa laf dhabarka ay koox kastaa ku dhisan tahay, waana waxa sare u qaada magaca iyo muuqa kooxdaasi ay leedahay.

Waxaan ogahay sida ay wax badan uga badashay kooxdan yar ee aan qeybta ka ahay, halka ay joogtay iyo halka ay maanta mareeyso.























Waxaan mar kastaa u mahad celinaa intii gacanta ka geesitay helida qalbkaas muhiimka u ahaa horumarka kooxdeena yar.

Si loo helo agab tayo leh waxaa ay u baahan tahay in ay kooxdu leedahay ilo ay dhaqaalaha ka hesho sida taageero yaal ama maamul si dhab ah u aaminsan horumarka sportska.

Marka aan u soo laabto dadkeena iyo dalkeenaba aad ayeey u adag tahay in la helo shaqsiyaad fikir fiican ka heysta kaalinta uu sportsku ugu jiro bulshada marka laga eego dhinaca nabada iyo is dhex galka xitaa aqlaaqda iyo ka hor taga balwadaha iyo shaqo la aanta.

Waxaan rajeynaayaa in uu wax weyn iska badali doono aragtida laga heesto sportska ee bulsho weynta Soomaaliyeed inshaa allaah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Monday, 29 July 2019

Waxaa u ahaa isbuuc aad u wanaagsan

Waxaa uu ahaa isbuuc aad u wanaagsan dhan walba, inkastoo uu jiray qaboow hadana si fiican ayaan uga faa'ideysanay.

In mudo ah waxaa jiray qabyo dhinaca tababarka ah taasoo keentay hoos iyo u dhac iyo habac sanaan baahsan.

Si kastaba waxaan si dar dar ay ku jirto ku bilownay isbuucii tagay, inagoo fursad fiican u helnay in aan dhinacyo badan wax ka eegno.

Waxaan kaloo ka baranay in nooc kastoo ay cimilada tahay tababarka la joogteen karo.

Taasna waa guul weyn oo noo soo hoyatay isbuucii taariikhiga ahaa ee na soo maray

Waxaa tababarkaas ka qeyb qaatay dhamaan ciyaartooydii laf dhabarka u aheyd naadiga

Sida Axmed Nuur Khadar Qoslaaye Jabra iyo Luqmaan  Cade.

Halkan kuma soo koobi karo sida uu ahaa muuqaalka guud inta lagu gudo jiray tababarka laakiin waxaan si cad u sheege karaa in uu ahaa mid wax weyn ku soo kordhiyay maskaxda iyo garaadka ciyaartooyda qeybahooda kale duwan.

   





































Jawiga waxaa uu ku soo dhamaaday si wanaagsan iyadoo aad la isku mar xabeenaayo ayaa xaafadihii lagu soo laabtay.







































Waxaan alle ka rajeeneynaa in uu na siiyo cimriga iyo caafimaadka aan isbuucan halkeeda uga sii wadan doono tababarka iyo tayeenta ciyaartooydeena inshaa allaah.


W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Saturday, 29 June 2019

War lagu farxo
































Waxey u tahay farxad weyn dhamaan bahweynta ciyaarta kubada cagta ee ku dhaqan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynleey in dib loo furay garoonka kubada cagta ee Cabdi-Birinji.

Kaa soo xirnaantiisa ay culeys iyo dib u dhac weyna ku keentay kooxaha ka dhisan deegaanka, kuwaasoo isugu jira heer iyo da' kastaba.

Kooxda aan ka tisanahay ee Xalane FC waxaa ay ka mid aheyd kooxaha uu aadka u saameeyay xiritaanka garoonka waayo waxaa naga soo gaaray kala daad baahsan.

Waxaan garoonka ku leenahay laba waqti isbuuc kasta waxaa ayna kala yihiin maalinta Sabtida habeenka ay Axada soo galeeso iyo maalinta Talaadada habeenka ay Arbacada soo galeeso.





























Isbuucii in aad laba waqti oo kaliya in aad ciyaartaan waa wax aad u yar laakiin waxaan ku kabanaa Subaxa Jimcaha oo aan garoonka Iskool Siidi Nuur Xirsi ku ciyaarno.


Maadaama garoomadii ay ku soo aruureen kuwa noocaan oo kale ah ee loo yaqaan (Indoor playground) waxaa ay koox kasta oo kubad ciyaarta ku qasban tahay in ay hesho garoon ay ku ciyaarto si ay u ilaaliso magaca iyo isku xirka ciyaartooydaba.

FG: Waxaan idinka raali galinaayaa tayada sawirada aan halkan idinkugu soo bandhigay oo liita.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

S/Q Axmed Nuur Maxamed



Wednesday, 29 May 2019

Maxa kaa dhigi kara Tababare wanaagsan?

 In aad noqoto Tababare (Coach) waxaa ay u baahan tahay Aqoon iyo waayo aragnimo is biirsaday.

Sida laga yaabo dadka qaarkii in ay ka aaminsan yihiin Tababarenimada uma sahlana.

Waxaan aniga nafteyda ka aaminsanaan jiray in ay tahay howl sahlan oo qof kastaa uu qaban karo si dhib yar.

Laakiin markii aan masraxa imid oo aan isku dayay in aan qabto ayaan wax badan ka ogaaday taasoo igu qasabtay in aan dib u laabto oo aan waxbarasho doonto, si aan sare ugu qaado magaceyga iyo kan teamka aan rabo in aan hogaamiyo.

Waxaan kaloo bartay in teamka ama kooxda aysan hal tababare kaliya hogaamin ee tiro macalimiin ah oo midba uu howl gaar ah qaabilsan ay wadaan.

Tusaale:

  1. Macalinka Xirfada ama Farsamada (Technical trainer)
  2. Macalinka Xeelada ama Kaartada (Tactical trainer) 
  3. Macalinka Gool hayaha                 (Goalkeeper trainer)
  4. Macalinka Maskaxda                     (Mental Coach)
Laakiin aniga waxaan waligeey arki jiray hal macalin oo ciyaartooyda aalamiintada siiya farmasoonkana dajiya.

Waligeey ma maqal Macalin ciyaartooyda maskaxda ka dhisa Mental Coach inta aan ku guda jiray ciyaaraha.

Waana caqabada ugu weyn ee iga hortimid markaan bilaabay hosha Macalinimada ama Tababarida.

Si kastaba waxaan ku baraarujinaayaa dadka jecel in ay noqdaan Macalimiin Ciyaaraha noocyadooda kale duwan in ay marka hore iska soo dhisaan aqoonta ka dibna ay sameestaan koox ka kooban inta aan hada soo sheegay oo kala shaqeysa horu marinta Koox kasta oo ay rabaan in ay hogaamiyaan.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Tuesday, 30 April 2019

Guul taariikhi ah


























Jimco 26/04/2019

Wuxuu ahaa kulankii sadexaad ee aan ciyaarno intii la aasaasay Akadeemiyada Kubada Cagta Aadami.


Ciyaartooyda oo aad ugu xiiso qabay in ay mar kale iska dhex arkaan garoomada waaweyn si ay u muujiyaan xirfadooda Kubadeed ayaa ku bilaabay kubad isku dhiib aad u qurux badan.

Taasoo aad u soo jiidatay dhamaan dad weynihii garoonka u soo daawashada tagay.

Waxaa sidoo kale kulankan goob joog ka ahaa rug cadaa sare Macalimow Maxamed Cali Xalane.

Macalin Xalane waa barbaariye gacan weyn ka geystay horumarinta iyo kor u qaadida sportiga Degmada Wadajir.

Soona saaray ciyaartooy magac iyo maamuus ku leh Kubada cagta ee dalka.

Waxaa uu halkaas ku gudoonsiiyay bilad ciyaar yahan Jabriil Maxamed Aadan oo ahaa ciyaar yahanka ugu yar dhamaan ciyaartooydii ciyaareeysay taasoo uu ku muteystay asluub iyo ciyaar wanaagii uu soo bandhigay.

In kastoo ay labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan hadana horaa loo yiri guuli laba nin kama wada qoslisiiso.

Guushii waxaa ay raacday kooxdii ka socotay Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami (Adami Football Academy).

Waxaa ayna ku adkaadeen 3 - 4.

Laakiin wax kaste waxaa ka muhiimsanaa niyada iyo waayo aragnimada ay ciyaartooyda halkaas ka heleen, taasoo wax weyn u ah.

Waxaa kaloo ay wax badan ka tari doontaa qaab ciyaareedka naadiga ee dambe inshaa allaah.


W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Sunday, 31 March 2019

Ciyaar yahan Da' yar dadaalna badan

Jabriil Maxamed waa 8 jir ku nool Magaalda Muqdisho Gaar ahaan Xaafada Xalane ee Degmada Wadajir.

Waxaa uu aad ugu hamiyaa in uu noqdo ciyaar yahan magac iyo sumcad balaaran ku dhex leh dhamaan bahweynta isbortiska guud ahaan.

Waxaa uu si iskiis ah u sameeyaa tababro uu kor ugu qaadaayo xirfadiisa ciyaareed taasoo soo jiidatay indhaha dad badan oo jecel kubada cagta.

Qof walboo arkaa waxaa uu ku tilmaamaa in ay ka muuqdaan astaamaha lagu garto ciyaar yahanka hal doorka noqon doona.

Waxaa uu ku dadaalaa in uu dhiso jirkiisa isagoo aad u da' yar waxaa uuna ku taamayaa in uu six packs yeesho inta uusan gaarin toban sano ka hor inshaa allaah.

Soomaalida waxaa ay ku maah-maahdaa dadaalaa waa gaaraa waxaan u rajeyneynaa Jabriil yare in uu ka mid noqodo ciyaartooyda caanka ah ee taarikhda kubada cagta baal dahab ah ka gala inshaa allaah.

Waxaan leenahay halkaada ka sii wad dadaalkaada marna haka niyad jabin in aad maalin un noqoto ciyaar yahay sumcad balaaran ku dhex leh dadkiisa iyo dalkiisaba kaalin wanaagsana ka gala diiwaanka isbortiska dalkaaga iyo guud ahaan caalamkaba inshaa allaah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Thursday, 28 February 2019

Waxaan dib u bilaabi doonaa



Berito oo jimco ah taariikhdana ay ku beegan tahay 01/03/2019 waxaan si toos ah dib ugu bilaabi doonaa tababaradii.

Mudo kooban oo aan hakad ku jirnay ka cimilada darteed waxaan gabi ahaan dib ugu yeernay dhamaan ciyaartooydii Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami in ay berito soo xaadiraan inshaa allaah

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Wednesday, 30 January 2019

Waan ku soo laaban doonaa tababarka inshaa allaah























Waxaa mudo bil ah hakad galay dhamaan tababaradii la sameeyn jiray dabeelo xoog badan oo ka dhacaayay magaalada Muqdisho awgeed.

Garoonka lagu sameeyo tababarada oo ah mid furan awgiis suurto gal waa ay inoo noqon weyday in ana sii wadno aalamiintadii iyo tababaradii la siin jiray ciyaartooyda.

Waxaa aad uga cawday hakadka la galiyay tababarada dhamaan ciyaartooyda da'da yar kuwaasoo ay ku adkaatay in ay la qabsadaan xaafad jooga iyo kubad la aanta.

Waa waqti kooban dhamaan howlaheeniina dib ayeey noogu bilaaban doonaa inshaa allaah ee hala sabro aqyaareey.

Waxaan idiin rajeynaayaa waqti fiican iyo caafimaad qab inta aan hawada ka maqanahay inshaa allah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq