Tuesday, 30 April 2019

Guul taariikhi ah


























Jimco 26/04/2019

Wuxuu ahaa kulankii sadexaad ee aan ciyaarno intii la aasaasay Akadeemiyada Kubada Cagta Aadami.


Ciyaartooyda oo aad ugu xiiso qabay in ay mar kale iska dhex arkaan garoomada waaweyn si ay u muujiyaan xirfadooda Kubadeed ayaa ku bilaabay kubad isku dhiib aad u qurux badan.

Taasoo aad u soo jiidatay dhamaan dad weynihii garoonka u soo daawashada tagay.

Waxaa sidoo kale kulankan goob joog ka ahaa rug cadaa sare Macalimow Maxamed Cali Xalane.

Macalin Xalane waa barbaariye gacan weyn ka geystay horumarinta iyo kor u qaadida sportiga Degmada Wadajir.

Soona saaray ciyaartooy magac iyo maamuus ku leh Kubada cagta ee dalka.

Waxaa uu halkaas ku gudoonsiiyay bilad ciyaar yahan Jabriil Maxamed Aadan oo ahaa ciyaar yahanka ugu yar dhamaan ciyaartooydii ciyaareeysay taasoo uu ku muteystay asluub iyo ciyaar wanaagii uu soo bandhigay.

In kastoo ay labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan hadana horaa loo yiri guuli laba nin kama wada qoslisiiso.

Guushii waxaa ay raacday kooxdii ka socotay Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami (Adami Football Academy).

Waxaa ayna ku adkaadeen 3 - 4.

Laakiin wax kaste waxaa ka muhiimsanaa niyada iyo waayo aragnimada ay ciyaartooyda halkaas ka heleen, taasoo wax weyn u ah.

Waxaa kaloo ay wax badan ka tari doontaa qaab ciyaareedka naadiga ee dambe inshaa allaah.


W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

No comments:

Post a Comment