Sunday, 30 December 2018
Waligaa ha ka niyad jabin hamigaada
Waxaa muhiim ah in aadan marna ka niyad jabin ka gun gaarida hiigsigaada mustaqbalka dalkaaga iyo dadkaada waana sababta ay wadamo badan oo caalamka ah uga hormareen kuwa kale.
Hadaan soo xusuusto sidaan ku bilaabay Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami, wuxuu ahaa fikir waligeey igu taagnaa oo aan mar un islahaa waad bilaabi doontaa hadaad u hesho hiil iyo hoo ba.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta ay ka faa'ideysanaayaan dhalin aad u da' yar hami sarena ka leh in ay meel fiican ka gaaraan kubada cagta.
Horaa loo yiri safar kastoo kumaan meyl ah hal tilaabuu ka biloowdaa, sidaa darteed anagoo taas ka duuleeyna wax mad madoow ah nagama galin in aan si wadajir ah u baacsano ka salgaarida riyooyinkeena isku midka ah.
Mar kaste allaa mahad iska leh, waxaan kaloo jeclaan lahaa in aan u mahad celiyo asxaabtii gacanta iga siisay agabka lagama maarmaanka u ah hirgalinta Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami (Adami Football Academy) hal kaas ka sii wada wanaaga aad bulshada u heysaan inshaa allaah.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Wednesday, 28 November 2018
Horumar iyo rajo wanaagsan oo ka muuqda ciyaartoyda
Waxaan jeclaan laha maanta in aan wax yar ka taab taabto sida ay ciyaartooyda da'yar ula qabsadeen Tababarka Isbuuclaha ah oo ay sameeyaan.
Mudo ayeey nagu qaadatay in si sax ah loola qabsado loona raaco jadwalka aan ugu tala galnay horumarinta iyo kor u qaadida tayada ciyaartooyda jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Sawirkan waxaa ka muuqda Jabriil iyo Luqmaan waa labada ciyaartooy ee igu da'da yar ciyaartoyda Akademiyda Kubada Cagta ee Aadami.
Waxaa ay ku sii socdaan Garoonka lagu tababarto kaasoo xaafada ay ku nool yihiin u jira fogaan dhan 4.56 Km.
Aad iyo aad ayeey ula qabsadeen dhamaan tababarka qeybihiisa kala duwan iyo socodka masaafadaas dheer.
Ma jirto cid ka cabaneysa ama ka wahsaneysa shaqada la iska rabo inta uu socdo tababarka, taa soo muujineysa ififaalo wanaagsan ee dhanka horumarka iyo rajada laga qabo in ay ciyaartooy dhinac kasta ka dhameystiran ka soo baxaan Akademiyada Kubada Cagta ee Aadami.
Hirgalinta qorshayaashaas waxaa ay dhanka kale dhiiri galin fiican u noqotay maamulka iyo macalinka u xilsaaran barbaarinta iyo tayeenta ciyaartooyda da'da yar taasoo run ahaantii ah howl culeyskeeda iyo caqabadaheeda wadatay.
Waxaa kaloo farxad weyn inoo ah in aan ka sal gaarnay cilmi baaris aan ku dhinac wadnay tababarida kaasoo ku saabsanaa sida u wanaagsan ee loo soo saaro jiil da' yar dhinac kastana ka dhisan.
Sidan horey u sheegay waa Guul noo soo wada hoyatay dhamaan maamulka macaliminta ciyaartooyda iyo bahweynta isbortiska Soomaaliyeed.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Mudo ayeey nagu qaadatay in si sax ah loola qabsado loona raaco jadwalka aan ugu tala galnay horumarinta iyo kor u qaadida tayada ciyaartooyda jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Sawirkan waxaa ka muuqda Jabriil iyo Luqmaan waa labada ciyaartooy ee igu da'da yar ciyaartoyda Akademiyda Kubada Cagta ee Aadami.
Waxaa ay ku sii socdaan Garoonka lagu tababarto kaasoo xaafada ay ku nool yihiin u jira fogaan dhan 4.56 Km.
Aad iyo aad ayeey ula qabsadeen dhamaan tababarka qeybihiisa kala duwan iyo socodka masaafadaas dheer.
Ma jirto cid ka cabaneysa ama ka wahsaneysa shaqada la iska rabo inta uu socdo tababarka, taa soo muujineysa ififaalo wanaagsan ee dhanka horumarka iyo rajada laga qabo in ay ciyaartooy dhinac kasta ka dhameystiran ka soo baxaan Akademiyada Kubada Cagta ee Aadami.
Hirgalinta qorshayaashaas waxaa ay dhanka kale dhiiri galin fiican u noqotay maamulka iyo macalinka u xilsaaran barbaarinta iyo tayeenta ciyaartooyda da'da yar taasoo run ahaantii ah howl culeyskeeda iyo caqabadaheeda wadatay.
Waxaa kaloo farxad weyn inoo ah in aan ka sal gaarnay cilmi baaris aan ku dhinac wadnay tababarida kaasoo ku saabsanaa sida u wanaagsan ee loo soo saaro jiil da' yar dhinac kastana ka dhisan.
Sidan horey u sheegay waa Guul noo soo wada hoyatay dhamaan maamulka macaliminta ciyaartooyda iyo bahweynta isbortiska Soomaaliyeed.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Saturday, 27 October 2018
Mahad celin
Anigoo ku hadlaaya magaca maamulka ciyaartooyda iyo taageerayaasha Akadeemiyada Kubada Cagta Aadami (Adami Football Academy) Waxaan halkaan mahad celin balaaran uga diraayaa Shaqsi naga codsaday in aanan magiisa halkan ku xusin.
Qofkaa soo gacan taariikhi ah oo taabatay qalibgeena ka geestay horumirnta iyo kor u qaadida howsha muhiimka ah ee Akadeemiyadu u heeyso ciyaartooyda da'da yar ee Xaafada Xalane Degmada Wadajir.
Waxaan leenahay abaalkaada allaa gudi kara ajar iyo xasanaad aan la soo koobi karina allaha kaa siiyo wanaagii aad noo sameeysay, waligeen waan ku xusuusan doonaa inshaa allaah.
Waxaad tahay tusaale wanaagsan alle waxaan ka rajeyneynaa in uu ku xifdiyo aduun iyo aakhiroba inshaa allaah.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Tuesday, 11 September 2018
Kulankii ugu horeeyay ee tijaabo ah
Waxaa uu ahaa kulan aad muhiim noogu ah oo aan wax badan ku ogaanay waayo aragnimana u ah ciyaartooydeena kuwooda da'da yar Sida Jabriil oo wacdaro ka muujiyay garoonka kubada cagta ee Iskuul Siidii Nuur Xirsi.
Halkaas oo ay goob joog ku ahaayeen quburo isboortis oo saameyn weyn ku leh horumarka iyo geedi socodka isbortiga Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, waxaana ka mid ah aa
- Mohamed Cali Xalane
- Cali Finish
Inkastoo lanalaga guuleeystay hadana waxaa uu noo ahaa fursad weyn oo aan wax badan ka faaidnay haba ugu horeyso in lagu baraarugay in uu jiro qorshe horumarineed oo dhanka isbortiga ah iyo in Maahiirtii iyo Rug-Cadaayaashii isbortiga Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley aysan iska jiifan oo ay wali wadaan dadaaladii looga bartay.
Waxaan la iloobi karin taageeradii ay inoo muujiyeen shacabkii ka soo qeyb galay daawashada ciyaarta, taasoo aan ka helnay dhiiri galin weyn.
Inshaa allaah waxaan rajeynaynaa in uu sii socon doono kulamada tijaabada ah ee aan sameyneyno maalmaha iyo billaha nagu soo aadan.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Thursday, 16 August 2018
In maskax ahaan loo dhiso ciyaartooyda ayaaa kaalin weyn ka qaadata horumarka mustaqbalka (Mental Game)
Cilmi baaris lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciyaaraha laga ciyaaro caalamka ayaa lagu ogaaday sababaha keena qaladaadka ay sameeyaan ciyaartooyda in ay ka yimaadaan dhinaca maskaxda iyo qaab fikirka ciyaartooyda.
Qaladaadkaas ayaa loo kala qaaday sidan
- Cabsi
- Cadaadis
- Xishood
- Shaki
Cabsida ayaa loo qeybiyay dhow qeybood:-
- In ciyaar yahanka uu ka cabsanaayo in la dhaliilo oo loo arko mid daciif ah tabar ahaan
- In ciyaaryahanka uu ka casanaayo in ciyaartooyda ka soo horjeeda qaarkood ay dhaawac u geystaan
- In ciyaarhanka u ka cabsanaayo qaladaad in ay ka dhacaan hadhowna canaan iyo ganaax uu kala kulmo maamulka iyo macalinka kooxda
Cadaadiska
- Ka gacan sareynta kooxda ka soo horjeeda waxaa ay ciyaartooyga ku keentaa in uu sameeyo qalaad badan sida in uu calaamad qaato taasoo sababi karta in garoonka laga saaro sidaasna ay kooxdu ku weyso boos, taasoo looga faa'ideysto
Xishood
- Sawaxanka iyo qeylada taageerayaasha kooxda kale waxay sababtaa in ciyaartooyda qaar ay awoodi waayaan u ciyaarida sidii looga bartay, qalqal iyo argagax ayeeyna ku ridaa taasoo ka dhigta ciyaartooyga mid maqane jooge ah.
Shaki
- Kalsooni darada dhanka aalamiintada iyo farsamada waxaa ay sababtaa in ciyaaryahanku iska dhaadhiciyo in aysan waxba ka keeneyn kooxda ay la ciyaarayaan taa soo keenta dib u dhac iyo natiijo aan wanaagsaneyn.
Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in ciyaartooyda laga dhiso dhanka maskaxda si la mid ah ama ka sareysa inta loo dhiso jir ahaan, taasoo ciyaar yahanka ka caawineysa in uu su qumaati ah u fikiro xaalad kastaa oo uu wajaho inta lagu guda jiro ciyaaraha.
Akadeemiyada Kubada-Cagta Aadami waxaa ay xooga saareeysaa in ciyaartooyda lagu tabaro sida loogu fikiro si qoto dheer inta lagu guda jiro ciyaaraha adkeysi fiicana loogu yeesho xaaladaha imankara sida Cabsida, Cadaadiska Xishoodka iyo Shakiga.
Sidaad sawirka ka arkeysaan Luqmaan waa ciyaar yahan (5) shan jir ah, waxaa uu baranaayaa sida la isku dajiyo go'aan wanaagsana loo gaaro inta ay kubada lugtaada ku jirto.
Waxaa kaloo uu baranayaa in ay guushu tahay natiijo ka timaada wax qabadka wanaagsan sidaad darteed ay lagama maarmaan tahay in kubada wanaagsan la ciyaaro marka hore si guul loo gaaro.
Waxaa kaloo uu baranayaa in ay guushu tahay natiijo ka timaada wax qabadka wanaagsan sidaad darteed ay lagama maarmaan tahay in kubada wanaagsan la ciyaaro marka hore si guul loo gaaro.
Waxaan rajeyneynaa in tababarkaan uu wax badan ka badali doono qaab ciyaareedkeenii hore inshaa allaah.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Tuesday, 14 August 2018
10 Qodob oo lagama maarmaan u ah ciyaar yahan kasta
Tobankan qodob waxaa ay ka mid yihiin casharada aan siino ciyaartooyda ku jira Akadeemiyada Kubada Cagta ee Aadami (Adami Football Academy), waxaan jecleysanay in aan la wadaagno bahweynta isportiga jecel meel kasta oo ay joogaan, si ay uga faa'ideystaan macaliim iyo ciyaartoyba
1) Had iyo jeer u ciyaar si wanaagsan oo qiiro leh una hogaansan sharciyada.
2) Ku dadaal in aad is dajiso inta lagu guda jiro xaaladaha adag si taxadar lehna uga fikir sidaad uga bixi laheyd.
3) Taageer oo dhiiri gali Saaxiibadaa, dhamaanteen qaladaad ayaan sameynaa iyadoo kas iyo ula kac aysan naga aheyn sidaa darteed kula dardaaran asxaabtaada in ay u ciyaaraan sida ugu wanaagsan.
4) U ciyaar sida ugu wanaagsan ee aad u ciyaari karto inta lagu guda jiro tababarka iyo marka aad horyaalka ciyaareeyso intaba, ha ogolaan in lagaaga badiyo dadaal xumo aad adiga sababtay darteed, ciyaartooyda waayo araga ah ee xirfada sare leh xitaa waa laga badin karaa marka ha is dhigan.
5) Xushmee Macalimiintaada Garsoorayaasha Ciyaartooyda kugu kooxda ah iyo kuwa kaa soo horjeedo Guul iyo Guul daraba.
6) Ciyaar yahanka wanaagsan waa in uu leeyahay Aalamiinto Xifrad iyo Xeelad si wada jir ahna uu u adeegsadaa si uu u noqdo mid heer sare ah
7) Markaad kubada heysataan waa in aad si Xeeladeesan u wareer gashaan, marka la idinka heystana waa in aad si daasoo kale u difaac gashaan.
8) Boos kasta oo aad ka ciyaareeyso waxaa waajib kugu ah in aad baasto ama baas qaadato, Goosha toogato lug iyo madaxba, Kubada la socoto iwm hadaad heysato jaanis.
9) Kubada ha iska tuurin ilaa aad ku qasban tahay ama aad ka saareeyso agagaarka gooshaada, iska sii hubi dhinacyadaada inta aysan ku bada ku soo gaarin go'aan ka ugu wanaagsana gaar markaad kubada hesho oo meel wacan iyo qofka ku haboon ku hubso.
10) Had iyo jeer garo oo ka ciyaar booskaada oo ha iska daba car cararin kubada meel kasta.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Monday, 6 August 2018
Taakuladii ugu horeeysay
Shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 05-08-2018, waxaa nala soo gaarsiiyay qalab ka kooban 6 Cones iyo hal Firimbi ama Seeri caalami ah (Professional Whistle)
Waxaa ay muujineysaa sida asxaabta isportiga jecel ay mar walba ugu heelan yihiin taakuleynta iyo dhiiri galinta hormarka isportiga dalka iyo deegaanka.
Dhankeena waxaan bala qaadeynaa in aan marnaba ka caajisi doonin in aan waqtigeena iyo waayo aragnimadeena u hurno tayeenta iyo tababarida da'yarta dalka inshaa allaah.
Waxaan halkaan uga mahad calineynaa asxaabta kala ah.
- Maxamed Axmed Xuseen (M. Yare)
- Cabduqaadir Maxamed Faracade
- Xasan Dahir Maxamed
- Maxamed Amiin Cali
Mar labaad iyo mar sadexaad aad baad u mahadsan tihiin abaalkiina allaa gudi kara, halkiina ka sii wada dadaalka aad ka geysaneysaan horumarka iyo tayeenta isportiga dalka, wadamada horey u maray waxaa hor mariyaya taakulada iyo is xilqaanka dadka wax garadka ah ee idinkoo kale ah.
Waxaan rajeyneynaa in aan ka sii wada shaqeyn doono dhamaantiin xoojinta iyo horumarinta isportiga dalka inshaa allaah.
Dhamaan bahweynta sportiga Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay gacan ka geystaan howsha culeys keeda leh ee lagu hir galinaayo Akademiyada Kubada Cagta ee Aadami taasoo mustaqbalka dhaw soo saari doonta ciyaartooy dhan walba ka dhameystiran inshaa allaah.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq.
Sunday, 22 July 2018
Safar kastoo Kumanaan Meyl ah Waxaa uu ka Bilowdaa Hal Tilaabo
Cilmi baaris dheer iyo wada tashi waxaan garow sanay in ay lagama maarmaan u tahay ciyaaraha guud ahaan gaar ahaan kubada cagta in la helo Akademiyo lagu tababaro laguna tayeeyo ciyaartooyda ay da'doodu aadka u yar tahay maskax ahaan iyo jir ahaanba si ay gacan uga geystaan mustaqbalka horumarka ciyaaraha dalka.
Waxaan go'aan sanay in aan si iskeen ah howsha u bilowno una wadno inta fikirkeena iyo ujeedkeena laga garawsanaayo.
Waxaan howsha ku bilownay ciyaartooy yar iyo wixii aan heli karno agab isporti sida
- Kubado
- Kabo
- Maaliyado
- Konisyo
- Poles iyo wixii la mid ah
Waxaan gacanteena ku sameysanay garoon bacaadba ha haadee halkaasoo aan ku qaadano tababarada.
Dhibka noogu weyn hada waa ciyaartooyda oo intooda badani kabo-laan ciyaaraan iyo garoonkoo wali qodax leh, taasoo keenta in ay ciyaartooyda dhaawacmaan inta lagu guda jiro tababarka.
Waxaan ku dhiiri galinaa ciyaartooyda in ay u dulqaataan dhibaatooyinka yar yar ee soo gaari kara inta lagu guda jiro tababarka sida qodaxda iyo daalka inta loo socdo garoonka oo aad uga fog xaafada ay ciyaartooydu ku nool yihiin.
Waxaan ku rajo weynahay in ay wax badan is badali doonaan mustaqbalka dhaw lana garwaaqsan doono ujeedka iyo hadafka aan tiigsaneyno inshaa allaah.
Wixii talo iyo tusaale ah fadlan haka laba-labeyn in aad nala soo xiriirto Riix halkan
Wixii talo iyo tusaale ah fadlan haka laba-labeyn in aad nala soo xiriirto Riix halkan
Subscribe to:
Posts (Atom)